You are currently viewing Qaraxii Soobbe | Sheekadii Axmed
qarax Soobe

Qaraxii Soobbe | Sheekadii Axmed

Qaraxii Soobbe | Sheekadii Axmed

Sidii xalay baan u jiifaa, oo hadba dhinac isu rogayaa. Sharqanta hooyo oo jikada weelal ka qalalab siinaysa, baa si goos goos ah ii soo gaaraysa, ase wali waan hurdaa. Dhanka kale riyo macaan baan hadba ku soo celceshanayaa, oo aanan rabin in ay iga go’do. Waxaan ku riyoonayaa aabbe oo maanta yimid, oo hadyad aan ku farxo ii wada.
“Kac Axmed! Saacaan maa hurudaa adi ! Aabbaa imaanaa maanta ma ogid,” Oo cod yaryar oo faraxsan lagu leeyahay baan ku salalay.


Illeyn waa yariistii walaashay ahayd ee Maymuun, oo faraxsan. Mar kasta wixii farxad ah iyada ayaa ila wadaagta, waa yaraanta xaafaddeenna. Waan booday markiiba, farxad darteed.
“Abaayo wallaahi runtaa miyaa, aabbe miyaa imaanaa,” Baan si waalli ah u iri, anoo la yaaban riyada iyo warkaan waxa kulmiyey!


“Hooyo baa la hadlaysay haddeer, maanta buu soo duulooyaa,” Bay si farxad leh iigu laab qaboojisay Maymuun yarey.
Markiiba waan booday, oo cadaystay, qubaystay, quraacday, oo lebbiska iskuulka isku taagay. Waxaan dhigtaa dugsi sare fasalka saddexaad. Waan baxay, inta hooyo sii macsalaameeyay. Qiyaastii aabbe wuxuu ku soo beegan yahay galbihii, marka waa inaan eerboodhka ka doono hadhaw, baan niyadda iska leeyahay.


Aabbe Cismaan aad ayaan ugu xiisay runtii, aniga kaliya uma xiisin, annaga oo dhan ayaa u xiisnay. Shan sano ayuu Koonfur Afrika ku maqnaa. Maanta waa maalintii uu dib inoo la midoobi lahaa. Qoyskayagu waxa uu ka kooban yahay 5 carruur ah, oo kala ah 3 wiil iyo 2 gabdhood. Saddexda wiil waxaa u wayn aniga oo Axmed ah oo 18 jir ah, Aadan, iyo Aweys na way igu xigaan. Labada gabdhood ee kala ah Maryan iyo Maymuun ayaa inoogu yar.


Intii uu aabbe maqnaa ayaa hooyo Xaliimo dukaan ka sii furatay isgoyska Soobbe. Xoogaa aabbe u soo diray bay ku furatay, si ay biilka xaafadda u kabto. Subixii marka aan iskuulka u kallaho wax yar kaddib ayay iyaduna u kallahdaa dukaanka, waxay ka soo noqotaa shanta galabnimo (ama 11-ka galabnimo). Aniga ayaa mar mar caawiya gelinka danbe, mar marna Aweys iyo Aaden baa la shaqeeya.


Iskuulkii marka aan ka baxay ayaan xaafaddii tagay. Maymuun yarey, iyo Maryan kaliya ayaa jooga. Hooyo ayaan wacay, waxay ii sheegtay in ay dukaanka joogto, balse aan iska nasto oo aan galabta u imaado. Sidii baan yeelay, oo casarka inta aan la addimin baan soo kacay. Hooyo baan dib u wacay, waxay ii sheegtay in uu Aweys aabbe eerboodhka ka soo qaaday, oo dukaanka ay wada joogaan iyada, aabbe, Aweys, iyo Aaden. Farxad baan isla hayn waayay, oo ku iri “hooyo waan idiin imaanaa, hadda ayaan bajaaj soo qaadan,”


“Iska joog hooyo annagaa hal mar wada imaanayna, marka aan dukaanka soo xirno,” Bay iigu jawaabtay hooyo.


Maya baan ku iri, oo waxaan ku adkaystay in aan u tago. Bajaaj baan ka qabsaday Buulo Xuubey, oo xaafaddeennu ku taallo. Waxaan sii soconnaba waan gaarnay, dukaankii ayaa ii muuqday. Isha ayay hal mar igu wada dhufteen hooyo, aabbe iyo labada walaalahay ah ee Aadan iyo Aweys, aniga oo bajaajta ku dhex jira oo soo dagan raba. Waxaan sugi la’ahay inta aan lacagta bajaajta bixinayo. Dhowr jeer ayaan lambar sireedka khalday farxad darteed. Aabbahay oo aan aad ugu xiisay ayaa i soo eegaya isaga oo dhoollacadaynaya. Hooyo ayaa dhinac fadhida oo dhoollacadaynta u jiibinaysa. Aweys iyo Aaden ayaa iyaguna maanta wajigooda farxad loogu soo dhaashay. Boorsooyin dhowr ah oo aan hubo in hadyaddaydii ay ku jirto, ayaa aabbe dhinac yaal. Alla maanta hilow iyo farxad badanaa!


Aabbe ayaa horey uga soo baxay dukaanka si uu iskugu diyaariyo in uu hab i siiyo. Aweys iyo Aaden ayaa ka soo daba booday, si ay malaha aabahood u ilaalsadaan. Hooyo ayaa xoogaa dhanka iridda dukaanka u soo dhawaysatay kursigeedii. Lacagtii ayaan bajaajlaha u diray si aan u degto. Lugtii hore marka aan dhulka dhigay, alle ma qaddarin in aan lugta labaad nabad ku dhigo. Waxa kaliya ee aan dareemayo waa uuro, boor igu rogmaday, iyo jabaq wayn oo dhagahayga ka sii fooryaysa. Jug !


Meel la iga jiro ma aqaan, dhagahaygu waxa ay maqlayaan dad taahaya, kuwo qaylinaya, iyo darawalkii bajaajta oo qararac leh. Indhahaygu waxay arkayaan bajaajlihii oo qaarkiisa sare wada dhiig yahay, oo qoortiisu ku laaban tahay isteerinka bajaajta. Dhinacii dukaankeenna baan eegay, si aan uga war doono aabbe, hooyo, Aweys, iyo Aaden; mise waa holac, uuro madow, darbiyo dumay, xubno googo’an iyo dhiig is dhex dulucdulceynaya!


Hal qof oo xubnihiisu dhammaystiran yihiin baa ii muuqan waayay. Oohin iyo qayli baan maagay, si aan dibadda ugu soo saaro xanuunka iga tan batay ee qalbigayga haleelay, haseyeeshe hinraag bay isku beddeshay, codba waa iga soo bixi waayay. Nagna !


Markii ugu horreysay baan gacmahayga dhaqdhaqaajiyay oo jirkayga taataabtay, mise meel kasta waa i qoyan tahay. Gacmihii baan la soo booday sida in koronto igu dhegtay, oo fiirshay waxa qoyaanku yahay, mise waa dhiig. Haa waa dhiig, waliba xinjiro leh. Tolow xaggee i go’an, tolow xaggee i daloosha?


War uma hayo, balse waan xaqiiqsaday in aanan bed qabin. Markii ugu horreysay ayaan lugahayga dhaqdhaqaajiyay, soo aniga bajaajtiiba ka soo dillaamay. Sida dhagax darbi dheer ka soo dhacay baan laamiga ugu masaxmay. Dakharro hor leh baan hubaa inay ii kordheen. Qaarka sare baan la kacay sida mas madaxa laga dilay. Madaxa ayaan wayraamiyay si aan agagaarkayga u hubsado. Dhismayaal isku sii guda dhacaya ayaa ii muuqda. Dad baskii ay saarnaayeen ku solmay iyaga oo sidoodii u fadhiya baan arkaa. Dhiig dulucdulcaynaya baa laamiga ii soo raacay, sida biyo ka soo rogmaday dul qar ah oo ay karar ku hoortay.


Aabbe mee?… Hooyo meeday?… Aboowe Aweys mee?… Aboowe Aaden mee?… Dukaankii mee?… Maymuun yarey iyo Maryan xaafaddii bay nagu sugayaan miyaa?… Baan niyadda iska leeyahay, hadal majiree.

Waan galgashay sida qof naftu ka bixi rabto. Galgalashada in aan aabbe ugu tago ama hooyo ama walaalahay baan is leeyahay. Raq iyo ruux midna kuma hayo wali. Horta hooyo waan hubaa in darbiyadaas dumay ay ku hoos duugan tahay. Aabbana waa suurtagal in aan madaxiisa, ama lugihiisa, ama gacan uu leeyahay ay meelahaan taallo.

Walaalahay la mid. Waan hinraagayaa wali oo oohintii baa igu noqotay. Dhuuntu waa i qallalan tahay sida qof asqoobay. Dhabarka ilaa iyo sinta xanuun badan baan ka dareemayaa, in wax wayn gaareen waan hubaa. Shafkana dhiig baa iga socda oo shaarkaygu waa dhujuq. Allah maxaa la iga jarayaa? Maxay tahay cinqaabtaan aan ifka ku marayo? Yaan danbi ka galay? Iyo su’aalo la mid ah oo malagood galay baa igu wareegaya.


Xoogaa baan shafka ku soco is iri oo gacmaha ku istaag, sibibix ! Waxaa ila siibtay xiidmo laamiga daadsan, oo aanan aqoon qofka leh. Tolow ma aabbe oo aan sugayay in uu hab i siiyo maanta, baan xiidmihiisa ku siibanayaa! Tolow ma walaalkay Aweys baa alle qaddaray in aan xiidmihiisa ku siibto! Tolow ma Aaden baa xiidmihiisu maanta Soobbe waran yihiin ! Ax ! Noloshaan maxay ahayd !


Waxaa iskugu kay darmaday “Jug” tii hore ka wayn oo yeertay, iyo anigii oo faniinay. Dad aad mooddo in ay dil ku xukunnaayeen oo rafasho hor leh bilaabay baa mar kale la i daawadsiiyay! Darbi baa i soo celiyay, oo aan hoos duuduubnahay. Waxaad mooddaa in la i yiri halkaas ku sug mawdka. Naftaan baasi may i dhaafto mar kaliya xanuunku ha i daayee! Xanuun qalbiga ah iyo xanuun jireed oo isku mar ah baa i haya. Taah hor leh, islaamo barooranaya, dad dhiiggu ka tiftif leeyahay oo ordaya, kuwo cabbaar markay istiilaan dhacaya, iyo waxa xubin bani’aadam waran wax lagu cabbiro maleh. Xanuunkii ayaa iga tan badiyay. Waan miyir doorsoomay. Waan is waayay!


Sariir baan saarnahay, dad maryo cad cad xiran baa i kor dhoodhooban, indhahaan la yara raacraacay. Tolow ma aakhiraa?


“Diktoore, saddex cisho kaddib hadda ayuu dhaqdhaqaaq bilaabay, indhahana wuu kala qaaday,” Oo cod gabdheed lagu yiri baan korkayga ka maqlay.


Nin isna dhar cad xiran oo ookiyaale xiran, gacmahana goloofyo ugu jiraan, baa soo rooray. Illeyn waa isbitaal meesha aan aallo, oo hadda ayaan koomadii ka soo naaxay. Waxaa halkoo oo kale ka soo dhaqaaqday islaan cayilan oo labo gabdhood wadata. Waxa ii muuqda waa malluug ilaa ay soo dhawaadaan arki kari maayo. Allah! Hadda ayaan gartay! Waa habaryar Sahro oo Madiino daganayd, oo soo kaxaysay Maymuun yarey iyo Maryan. Show iyadaa isbitaalka igu haysay.


————-DHAMMAAD———–

FG: Sheekadaan waa sheeko gaaban oo samays ah (fiction), aniga ayaa qoray, balse nooceeda oo kale iyo ka daranba si run ah ayay Qaraxii Soobbe uga dhaceen, waana sheeko aan u hibeeyay dhibbanayaashii qaraxaas.

Leave a Reply