Jaarlees

Maxamed Jaarlees

Co-founder & CTO Of Isbaahi Digital Agency | Web Designer | Content Creator | Blogger | Author | Trader | Internet Marketer.

 

Jaarlees

“In order to succeed you just need three sets; mindset, skillset, and toolset”

~ Jaarlees

Sii Akhri

Kuma Ayaan Ahay?

Waa su’aal adag oo falsafi ah marka la iswaydiiyo “Kuma ayaan ahay?” balse marka aan sida caadiga ah u wajaho, waxaan ahay shakhsi jecel qoraalka iyo in uu macluumaad baahiyo (content creator), sidoo kale muuqaallo ayaan soo galiyaa bartayda Youtube-ka, buugaagna waan qoraa inkastoo aanan wali daabicin balse lagu heli  karo e-book ahaan. Waxaan sidoo kale ahay website naqshadeeye ku dhisa website-yada CMS (Content Management System) kasta sida WordPress, Wix, iwm. Waxaan ahay madaxa tiknoolajiyadda (Chief Technology Officer – CTO) ee shirkadda Isbaahi Digital Agency, sidoo kale waxaan kujiraa aasaasayaasheeda (co-founder). Shirkadda Isbaahi waa shirkad qabata adeegyada kala duwan ee dhijitaalka. Waxaan sidoo kale khibrad u leeyahay ganacsiga caadiga ah oo aan muddo laftaydu ganacsade ka ahaa magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa. 

Shaqooyinka aan soo qabtay way badan yihiin waxaa kamid ah macallin dugsi sare iyo mid machad in aan muddo ku soo shaqeeyay goobo kala duwan, aniga oo dhigi jiray maaddooyinka kala ah; Xisaabta, Fiisigiska, Ganacsiga, iyo Ingiriisiga. Sidoo kale shirkadaha gaarka loo leeyahay ee dalka ku yaalla waan la soo shaqeeyay, dhanka “public sector-ka” ama shaqada dawladda mar ayaan la shaqeeyay inkastoo aysan badnayn. Waxaa intaas dheer in aan si madaxbannaan internet-ka uga shaqaysan jiray muddo (as a freelancer) aniga oo dad ajnabi ah la shaqeeyay.

Xirfadahaygu waxay u badan yihiin dhanka dhijitaalka, sannad kastana kuwo cusub ayaan bartaa, haddii aan tusaale u soo qaato kuwa ugu waawayn ee aan aqaano ku na shaqeeyo waxaa kamid ah; suuqgeynta dhijitaalka ah (digital marketing), baayacmushtarka forex (forex trading), sida macluumaadka loo abuuro (content creation), sida website-yada loo dhiso loona naqshadeeyo (Web designing), iyo qaar kaloo  badan.

Waxaan wax ka qoraa waxyaabo badan oo aan xiiseeyo; waxaa kamid ah falsafadda, fiisigiska, sayniska kale, hormarinta shakhsiga, cilmi nafsiga, xisaabta, tiknoolajiyadda, iyo ganacsiga online-ka ah. Waxa aanan wali idiin sheegin in aan soo sameeyay Accounting & Finance bachelor degree ah, sababta aanan idiin la wadaagina waxaa weeye maadaama aanan hadda ku shaqeyn, waxa aan ku shaqeeyo iyo waxa aan wax ka qoraba waa wax aan anigu isbaray oo aan xiiseeyo. 

Ugu danbayn haddaan soo koobo waxaan ahay qof tiknoolajiyadda iyo kombiyuutarka ku fiican (tech savvy), dhanka sayniska iyo falsafadda xiiseeya, xisaabta jecel, dhijitaalka ku shaqeeya (digital nomad), in uu wax qorana jecel.