Maxaan ognahay? Xaddiga aqoonta.
Cilmiga bani’aadamku uu hayo oo dhan marka la isku geeyo waxa uu noqonayaa bakeeri yar oo la daray badwayn, marka loo eego cilmiga jiritaanka iyo nolosha ku gedaaman. Taas waxaa daliil u ah majirto hal qaaciddo oo aan wax laga soo reebin (exceptional aan lahayn).
Haba ahaato sidaase, Isla qaacidadaas marka wax lagu cabbirayo, loo ma cabbiro sida nolosha caadiga ah wax u socdaan, ee waxaa lagu cabbiraa adduun iyada u gaar ah. Aan sii jilciyo intan !
Cilmi kasta oo dad samee ah marka uu wax dersayo oo uu rabo in uu arrin fasiro, ama uu gunaanad ka gaaro, waxa uu adeegsadaa xiriirin – in uu labo ama dhowr shay xiriirka ka dhexeeya uu micne ka soo saaro (variables).
Wax iskood loo fasiri karo majiraan in shay kale lagu fasiro ma ahane. Xiriirintaas ayaa la yiraahdaa qaacido, mas’alo, aragti, iwm. Magacyo kala duwan ayaa loogu yeeraa balse yaysan kaa lumin in ay tahay oo kaliya xiriirintii. Hagaag !
Haddaba aan tusaale u soo qaadanno qaacido cilmiga dhaqaalaha ah.
Cilmiga dhaqaaluhu marka uu rabay in uu fahmo waxyaabaha uu go’aanka ku gaaro shakhsiga caadiga ah ee suuqa ka adeeganaya, waxa uu dhisay qaacido xiriirinaysa dalabka, keenista, iyo sicirka. Mar kasta oo dalabku (demand) uu ka bato keenista (supply) waxaa kor u kaca sicirka (qiimaha shayga); mar kasta oo keenistu ay ka badato dalabkana waxaa hoos u dhaca sicirka.Tusaale ahaan magaaladaada haddii la keeno sonkor ka badan middii imaan jirtay (keenistu badato), waxaa yaraanaya dalabka, waxaana hoos u dhacaya sicirka sonkorta (raqiis bay noqonaysaa); laakiin haddii isla magaaladaada la keeni waayo sonkor badan oo imaan jirtay (keenistu yaraato), waxaa kor u kacaya dalabka, taas oo kordhinaysa sicirka.
Waayahay! Qaacidadaan goorma ayay shaqaynaysaa? Ma biyo kama dhibcaan baa mar kasta shaqaynaysa? Maya. Haddaba waxay shaqayn kartaa oo kaliya; marka wax kasta oo saamayn kara xiriirkaas qaacidadu ay ku dhisan tahay, laga soo qaado in aysan waxba iska beddelin (constant)! Sidee?
Marka laga hadlayo arrinta qaacidadu ka hadlaysay ee ah shakhsiyaadku waxyaabaha ay go’aanadooda iibsasho ku gaaraan, dhab ahaantii ma noqonayso oo kaliya dalab, keenis, iyo sicir. Waxaa jira waxyaabo badan oo saameeya xiriirkaas ama qaacidadaas. Waxaa kamid ah; dakhliga soo gala qofka wax iibsanaya, alaabaha kale ee qofku uu ku beddelan karo shayga (substitutes), dhadhanka iyo sida shaygu ugu muuqda qofka, iyo intaas oo kale oo ciiddaas ka badan oo saameeya go’aanka iibsadaha.
Haddaba qaacidada dalabka iyo keenistu waxa ay ansax tahay marka arrimaha kale ee saameeya arrinta, laga soo qaado in aysan waxba iska beddelin – taas oo aan suurtagal ka ahayn nolosha caadiga ah. Wax iska taagan (constant ah) ma jiraan, oo ku sugaya inta aad cabbiranayso dalabka, keenista, iyo sicirka xiriirka ka dhexeeya. Kaliya qaacidadaan waxa ay ku shaqaynaysaa adduun iyada u gaar ah, oo markii la doono “pause” lagu qabanayo qayb xaqiiqada kamid ah. Waxaa taas ka sii daran in qaacidadu ay ogoshahay in dalabka iyo keenistu isle’ekaan karaan (equilibrium) – taas oo aan nolosha caadiga ah marna ka dhici karin.
Ma ahan dhaqaalaha oo kaliya ee tusaale ayaan u soo qaatay, qaacido kasta oo cilmi ah wax bay eber ka soo qaaddaa si ay wax u xisaabiso – taas oo aan nolosha caadiga ah ka dhicin. Cilmiga bulshada ha ahaado, sayniska dabiicadda ha ahaado, aqoonta aadamaha ha ahaato, iwm, dhammaan qaacidooyin noocaas ah ayay ku dhisan yihiin. Falsafadda xitaa oo ah heerka ugu sarreeya ee caqliga bani’aadamku ku fekero ayaan ka badbaadin qaacidooyinka noocaan ah.
Tusaale ahaan falsafaddu marka ay gunaanad ka gaarayso dood, waxa ay ku soo gurya noqotaa tusaaleyaal (counterexamples) kamid ah wixii la rabay in ay ka xorowdo, illeyn waa falsafadee laga yeeli mayo waxa laamaha kale ee aqoonta laga yeelayo. Iyada shaqadeedu waa in ay dhisto sees iyo gundhig ay aqoonta kale harsato. Maxay dhistaa haddii iyadii ba ay wax ku dhisayso wixii ay ahayd in ay sees iyo gundhig u samayso.
Isku soo xooriyoo, cilmiga aadanuhu waa mid haawanaya oo sii muujinaya in aynan waxba ogayn. Waxba si iskood ah uma macnayn karno innaga oo aan wax kale dhakada ka saarin. Cilmigeenna oo dhan waa hebel lagu fasiray hebel kale, hebelkaasna uu fasiraad sii rabo, deedna hebello kale lagu sii fasiro, ilaa la galo giraan aan dhammaad lahayn. Arrintu haddii ay sidaas tahay, waa gar in qaacidooyinku ay yeeshaan duni iyaga u gaar ah, oo la istaajinayo xaqiiqada inteeda kale, si loo fahmo qayb yar oo xaqiiqada kamid ah.
Ugu danbayn cilmiga aadanuhu waa mid ku dhisan qiyaas (probabilistic), ee si hubanti ah waxba looma oga. Taas macnaheedu ma ahan in xoogaagaas qiyaasta ah aysan waxtar ahayn ama ay khalad tahay, laakiin boqolleyda intii kale ayaa maqan mar kasta. Sida caadiga ah cilmibaaris kasta marka la samaynayo, hab kasta oo la marayo (any methodology) waxaa lagu xisaabtamaa boqolkiiba intee bay run u dhow dahay natiijadu – iyada oo inta soo hartay boqolleyda loo daynayo “error” iyo waxyaabaha kale ee saameyn kara waxa la baarayo. Majirto cilmibaaris xagal kasta uga imaan karta shayga la baarayo, si kasta oo shaygu u yar yahay, iska daa xaqiiqada oo dhane.
Maxaan ognahay?