You are currently viewing Web 3.0 Af Soomaali | Waa Maxay Web 3.0 ? | Eye-Opening Article
Web 3.0 af Soomaali

Web 3.0 Af Soomaali | Waa Maxay Web 3.0 ? | Eye-Opening Article

Web 3.0 af Soomaali | waa maxay web 3.0 ?

Faca saddexaad ee internet-ka (web 3.0) waa kacaan dhanka internet-ka ah oo horseedaya in awoodda lagu soo celiyo shakhsiyaadka, halka ay haatan gacanta ugu jirto kooxo kooban. Si aan u fahanno kacaankaan aynu dib ugu noqonno facii koowaad iyo kii labaad ee internet-ka (web 1.0 & web 2.0).


Facii koowaad ee internet-ka (web 1.0) waxa uu ahaa muddadii ka horreysay 2004 ilaa iyo 1989. Muddadaas dadku internet-ka way soo booqan jireen wayna ka bixi jireen iyaga oo aan ka qayb qaadan karin, maadaama bogagga websaydyada xilligaas ay ahaayeen kuwo “read only” ah ama “static pages”, taas oo ka dhigan dadka soo booqda in aysan door ku lahayn, marka laga reebo in ay indhaha ka eegaan. Dadka websaydyada leh waxa ay soo galiyaan ayaa la daalacan jiray iyada oo aan waxba laga falcelin karin. Xogtu hal dhinac ayay ka rarnayd.


Faca labaad ee internet-ka (web 2.0) oo ah wixii ka danbeeyay 2004 ilaa iyo hadda, waxaa bilawday kacaan ah, in dadku ay si xad dhaaf ah uga qaybqaataan internet-ka, iyaga oo faallo bixin kara, wax “share” garayn kara, macluumaad (content) soo galin kara, iwm. Waxaa meesha ka baxay websaydyadii qallalnaa ee akhri oo kaliya ahaa. Waxaa soo baxay warbaahinta bulshada, fooramyada, iwm. Sidaas oo kale ganacsigii ayaa internet-ka soo galay, oo dukaamadii iyo meheradihii ayaa caadi looga furtay online-ka. Xogtii halka dhinac ka rarnayd waxay noqotay mid labada dhinacba ka imaanaysa.


Ka qaybqaadashada dadka ee internet-ka marka ay korortay waxaa soo baxay iskufuran bulsho. Gabar Brazil ku nool, oday Australia ku nool, iyo wiil Soomaaliya ku nool ayaa hal wax oo “trending” baraha bulshada ka ah, ka wada qayb qaadan kara, iyaga oo isku wacyi ka ah arrinka. Bulshadii caalamka ayaa isku xirmatay, iyada oo aysan dawlad u dhexeyn, warbaahin u dhexeyn, cidna u kala turjumayn – kaliya waxaa u dhexeeya qolada iska leh meesha lagu wada hadlayo.


Haddaba waxaa soo baxay cillado dhowr ah; xogtii bulshada caalamka oo dhan waxaa gacanta ku dhigay dhowr shirkadood oo waawayn, dhaqaalihii internet-ka ka dhex jiray shabakadaha ay ku dul dhisan yihiin dad kooban baa yeeshay, warbaahinta bulshada ee ugu waawayn shirkado kooban ayaa yeeshay, oo qofka ay doonaan ka xiri kara isaga oo malaayiin dad ah ku xiran yihiin. Waawaynka internet-ka (Big Tech) ayaa dadkiiba gacanta ku haya. Waxaa kamid ah Alphabet (Google), Microsoft, Apple, Meta (Facebook), Amazon, iwm.


Way badan yihiin “Industry” kasta oo la soo hadal qaado waxaa haysata shirkad wayn oo ay adag tahay in lala tartamo. Sidoo kale dadka caadiga ah ee aan xitaa tartan iyo hawlahaas kula jirin waxay dhibbane u yihiin xogtooda oo gacanta lagu hayo. Lacagta u badan waxay ka sameeyaan waa dadka caadiga ah xogtooda.


Haddaba faca saddexaad ee internet-ku (web 3.0) waa in bulshada caalamku ay wada macaamilaan teknikaal ahaan iyaga oo aan lagu dhex jirin (no third-party), si xogtoodu ammaan u ahaato. Waa qaab awoodda loo daadajinayo heer shakhsi ah (decentralized) meeshii awal ay madax-kanool-ahayd (centralized). Haddii ay noqoto dhanka maaliyadda bulshada caalamku waxay adeegsanaysaa lacag borograam ah oo la yiraahdo Kiribto (cryptocurrency), taas oo aan u baahnayn dawlad iyo bangi dhexe oo soo daabacda, sidoo kalana aan u baahnayn bangiyo kala-wareejinta (transaction) sameeya.


Dhanka heshiisyada waxay adeegsanayaan wax loogu yeero “heshiisyada garaadka leh – smart contracts”. Dhanka lahaanshaha hantida waxay adeegsanayaan wax loogu yeero “Tokens” sida “NFT” – token-based economics (halka haatan warqad caddaynaysa lahaanshahaaga aad magan uga tahay cid gaar ah oo marka ay doonto waxba kama jiraan ka dhigi karta, ama lacagta bangiga kuu taal “freezing” galin karta). Dhanka ururrada bulshada iyo xitaa shirkadaha hawlaha guud qaban doona waxay noqon doonaan kuwo borograam ku dhisan oo bulshadu ay u siman yihiin (Decentralized Autonomous Organization (DAO).


Dhammaan arrimahaasi farsamo ahaan waxay ku suurtagalayaan tiknoolajiyadda sanduuqyada xiriirsan (blockchain). Waa tiknoolajiyad aysan cidna si gaar ah wax uga beddeli karin. Wax kasta oo hadda shirkadaha gaarka loo leeyahay ay qabtaan, ee hawlaha guud ee bulshada caalamku u baahan yihiin ah, waxaa qaban doona wax lagu dhisay tiknoolajiyadda sanduuqyada xiriirsan (blockchain), taas oo ah mid aan la kala sheegan karin oo xor loo wada yahay, xogtana cid kasta hayso (transparent). Nin walbow taagtaa soco bay noqonaysaa, waxaa meesha ka baxaya fursadaha la isdheer yahay iyo xogta dhinaca ka raran. Mar wax laga waydiiyay web 3.0 qolyaha waawaynka ah sida Elon Musk, waxay ku tilmaameen wax iska khayaali ah, waana laga filan karaa falcelintaas maadaama faca saddexaad ee internet-ku uu weerar ku yahay waawaynka tiknoolajiyadda.


Haddaba web 3.0 waa kacaan haddaba socda oo bilawday, laakiin wali loo ma wada guurin. Lacagta Kiribtada ah, iyo NFT waxay hordhac u yihiin web 3.0, kuwa kalana waa soo socdaan. Tiknoolajiyadda kale ee soo awoodeysanaysa sida caqliga macmalka ah (AI), “quantum computing”, iyo xaqiiqada la kordhiyay (virtual reality), oo lagu laray faca saddexaad ee internet-ka (web 3.0), bal sawiro sida uu noqonayo xaalku ! Run ahaantii waxaa soo carfaya sebenkii awoodkordhinta (Augmented era) waana kacaan guud oo tiknoolajiyadda ku dhacaya, web 3.0 waa hal mid oo kamid ah.

Leave a Reply