You are currently viewing Fan (art) | Fanka Maxaad U Taqaan ?
Fan (art)

Fan (art) | Fanka Maxaad U Taqaan ?

Fan (Art) | Fanka Maxaad U Taqaan ?

Fanku waa luuqadda ay quruxdu ku hadasho. Marba haddii wax loo soo bandhigayo si farshaxamaysan, masrixiyad leh, laabtu u bogayso, waxaa la galay caalamkii fanka. Fanka la’aantiis cidina nolosha quruxdeeda ma dareenteen. Sida ay noloshu u leedahay waji maaddi ah, oo sayniska lagu fahmi karo; iyo waji “abstract” ah, oo caqliga lagu fahmi karo; ayaa ay u leedahay waji kale oo qurux ah, oo lagu fahmi karo fanka.


Fanku ma ahan heesaha oo kaliya, sida ay dad badan u maleeyaan. Fanku waa shaqo kasta oo aadanuhu qabto, oo masrixiyad iyo farshaxan leh. Fanku waa marka si qurxoon wax loo hormeeyo (harmony). Nolosheenna oo dhan baa wada fan miiran ah. Meel fog haka raadin, sida aad u labbisato mararka qaarkood waa fan, marka aad isla-doonanaysid dhar iyo kabo isku soo baxaya, shaqada aad haysid waa nooc fanka kamid ah.


Marka lagu soo hordhigo saxan cunto ah, oo sharraxan, si habaysan oo aan isku dhex yaacsanayn geesaha qudaar uga saar-saaran tahay, midabbo kala duwanna leh, caraf iyo dhadhan darteedna aad cayga daadinayso, cuntadaas sida loo soo diyaariyay waa si fan ah. Marka aad aragto guri naqshaddiisu qurux badan tahay, oo soo jiidasho leh, waa nooc kamid ah fanka. Marka aad soo gasho goob ganacsi, oo alaab kasta oo is-leh, isku meel lagu sharxay, layr midabaysana ka shidan yahay, oo shaygaa qaaddaba kula noqonayo dahab-dahab, sida loo habeeyay waa nooc fanka kamid ah.


Haddii aad aragto qof marka uu qoob-ka- ciyaarka dheelayo, aadan ka jeensan karin, oo aad ku raaxaysanayso daawashadiisa, waa nooc fanka kamid ah. Marka aad aragto qof sawir gacmeed u sawiraya, si aad is leedahay ma kaamiraa lagu qaaday, waa nooc fanka kamid ah. Sidaas oo kale qof sawir-qaade ah oo kaamiradda inta uu “setting”-ka “default”-ga ah iska beddelo, isagu u yeeriya kaamirada sida ay sawirka u qaadayso, waa nooc fanka kamid ah. Sidaas oo kale qofka isaga oo aan hadlayn, dadka ka qosliya (mime; wax canjilaya), isaga oo adeegsanaya wajiga, gacmaha iyo jirka dhaq-dhaqaajintiisa, waa nooc fanka kamid ah.


Mid isagoo hadlaya dadka u sheekaynaya oo ka qoslinaya, iyaduna waa fan. Sidaas oo kale qoraaga sheeko-faneed qoraya, ee inta jilayaal male’awaala, haddana kasoo saaraya sheeko dareenkaaga hantinaysa, waa nooc fanka kamid ah. Midka dhoobada iyo waxa lamidka ah inta ku falaada, kasoo saaraya magaalo yar oo miiska hortiisa yaal dul saaran, waa fan. Midka codka halaalsiga ah leh ee heesaya, waa fan. Sidaas oo kale midka noocyada kala duwan ee muusigga gacmihiisa ku maamulaya, ee xarakaynaya, waa fan. Midka erayada isku aaddinaya, ee maansooyinka, gabayada, iyo noocyada kale ee suugaanta curinaya, ee deelqaafka ka ilaalinaya, ee soo saaraya quruxda luuqadda, waa fan.


Shirkadda soo saaraysa moodeello gawaari ah oo indha daraandar ah, waa fan. Aflaamta aad daawanayso waa nooc fanka kamid ah. Laacibka banooniga kala dhex baxaya toddobada ciyaaryahan, ee diiqa u sawiraya, waa fan. Dhammaan tusaaleyaashaas kore iyo kuwo kale oo badanba, dadka samaynaya waa wada fannaaniin. Kii sida quruxda badan u labbisanayay waa fannaan, sidaas oo kale tii cuntada ku fara yaraysanaysay waa fannaanad, kuwa kalana waa la mid. Aadanahu waa noole fannaan ah. Waa noole baadi goobaya wajiga qurxoon ee nolosha. Wax kasta marka hore baahi buu u samaystaa, balse hadhaw wuu ku xarragoodaa. Markii ugu horraysay aadanuhu dharka waxa uu u samaystay, inuu cawrada ku asturto, balse marki danbe wuu ku xarragooday.


Fanku qaybo kala duwan ayuu leeyahay, sida fanka la jilo (performing arts); fanka la qoro (literary arts); fanka muuqaal ahaan loo sameeyo (visual arts); iwm. Balse innagu fanka waxaan u kala saaraynaa labo qaybood oo waawayn: qayb xarrago ah; iyo qayb madaddaalo ah. Qaybta xarragada ah waxa ay ka muuqataa nolosheenna oo dhan, dharka, cuntada, gawaarideenna, guryaheenna, teleefannadeenna, iwm; qaybta madaddaalada ahna waa fanka sida gaarka ah loo soo bandhigo, ee aan nolosha kale dul saarnayn, waa qaybta xitaa mihnadda shaqo laga dhigto (entertainment industry).


Murtida kujirta fanka, waxaa ugu wayn soo bandhigidda quruxda iyo qaayaha ku qarsoon nolosha. Dadkuna waa fannaaniin aan ku qanacsanayn nolol kakan oo bilaa qurux ah. Waxay baadi goobayaan wajiga quruxda badan ee nolosha. Waxaad tahay fannaan.

Leave a Reply