You are currently viewing Wajiyada Xaqiiqada
Wajiyada xaqiiqada

Wajiyada Xaqiiqada

Wajiyada Xaqiiqada.


Waxaan aragnaa oo kaliya wixii fallaaraha ilaysku ay indhaheena keenaan. Waxaan maqalnaa oo kaliya gariirka hir-jabaqeedka, ee ay soo xanbaaraan qurubyada hawadu. Waxaan urinnaa oo kaliya moolekiyuullo laga soo sayriyay shayga uraya, oo qurubyada hawadu ay sankeenna keenaan. Waxaan dhadhaminnaa oo kaliya wixii falgal kiimikeed ku sameeya xirmooyinka carrabkeenna. Waxaan sidoo kale taabasho dareennaa oo kaliya, marka la cariyo shabakadda neerfaha ah ee maqaarkeenna ku teedsan.


Haddaba araggeenna waxa aan marti uga nahay ilayska, ma naqaanno sida ay u egtahay xaqiiqadu, marka laga tago sida uu ilaysku inoo tusay. Maqalkeenna waxaan marti uga nahay qurubyada hawada, ma naqaanno sida ay xaqiiqadu u hadasho, marka laga tago sida qurubyadu hawadu ay inoo maqashiiyeen. Urteenna waxaan magan uga nahay qurubyada hawada, ma naqaanno sida ay xaqiiqadu u soo urto, marka laga tago sida qurubyada hawadu ay urka u soo xanbaareen. Dhadhankeenna waxaan magan uga nahay in falgal kiimikeed lagu dul sameeyo xirmooyinka carrabkeenna, ma naqaanno sida ay xaqiiqadu u dhadhanto, marka laga tago falgalka kiimikeed ee carrabkeenna lagu dul sameeyay. Dareenkeenna taabashada waxaan magan uga nahay, in si toos ah maqaarkeenna loo cariyo shabakaddiisa neerfaha ah ee ku teedsan, ma naqaanno sida dareenka taabashada ee xaqiiqadu uu yahay, marka laga tago in maqaarkeenna la isku xoqo.


Haddaba dareennada noocaas ah ee mid kasta aan u daba fadhinno shay kale, ama waddo xaddidan, in intee le’eg ayay ka run sheegi karaan wajiga dhabta ah ee xaqiiqada? Ama in intee le’eg ayay wajiyada xaqiiqada oo dhan ka soo warrami karaan?


Dhanka falsafadda haddii aan la aadno siiba falsafadda dunta hoose ee shayga ka warranta waa metafiisikada ‘e, waliba laanteeda hoose ee ontoolajiyadda (ontology) waxaa kujirta koox xaqiiqada ku soo koobtay intaas ay dareemuhu ka war keeneen (empiricism). Waxaa iyana lid ku ah koox qabta in waxaan oo dhan aan maankeenna ku sawirannay ee aysan jirin xaqiiqo maankeenna ka madax bannaan (idealism). Waxaa labadaas kooxood saddexeeya koox qabta in xaqiiqadu ay labo waji leedahay – oo ka dhigan waxa dareemaheennu inoo sheegayana waa run, waxa maankeennu inoo sheegayana waa run (dualism). Waxaa soo afareeya koox shakiile ah oo qabta in aysan waxba jirin ee aan ismoodsiinayno (skepticism).


Haddaba inta aynan falsafadda waydiin wajiyada xaqiiqada, falsafaddu maxay adeegsataa si ay wax u ogaato? Waxay adeegsataa caqliga qallalan (pure intelect). Caqliga qallalanna waxa uu adeegsadaa xeerar abuuran oo iskood u jira oo la yiraahdo loojig ama maangalnimada, si uu wax u sababeeyo. Muddo haddii la murmayay, waxaa la ogaaday in aynan waxba ogayn. Waxaa meesha ka baxay dadkii ogaalka xaqiiqada isbidayay, dadkaasina waxay haaraameen falsafaddii daadifaysay sheegashadooda.


Sayniska isaga warkiisa daa, waa cunug yar oo ay dhashay falsafaddii “empericism”-ka ee qabtay in xaqiiqadu ay tahay waxa dareemaheennu inoo keenaan. Shaqadiisa u wayn saynisku waa in uu inoo rabbaayadeeyo dabiicadda, oo uu daraaseeyo sida ay dabiicaddu isugu xiran tahay, si aan si hor leh oo iskeen ah aan isugu xirxirno (farsamayn/tiknoolajiyad). Waxaa intaas dheer in uu dhiso aragtiyo mafhuum ahaan u dhisan (theoretical concepts), oo qaaraan ku darsata sawirka xaqiiqada laga haysto.


Balse aragtiyahaasi muddo kadib waxay dhalaan aragtiyo kale oo kuwii hore khaladkooda sheegaya, kuwaan danbana waxaa khaladkooda sheegi doona kuwa danbe ee soo socda, sidaas ayay ku socotaa. Khaladaadkaas saynisku uma arko ceeb ee waaba u cabbir muujinaya in uu horey u socdo. Saynisku ma sheegto xaqiiqo biya kama dhibcaan ah, oo muqaddas ah, in uu ogyahay, balse waxa uu sheegaa in uu ogyahay xaqiiqo wakhtigeeda la fil ah. Saas oo ay tahay waa cidda kaliya ee ku tusi karta, ku taabsiin karta, kuu na cabbiri karta inta ay xaqiiqada ka ogtahay. Sidoo kale saadaal iyo aragtiyo male’awaal ah sii dhisi karta, iyada oo aragtida sayniska raacaysa.


Aqoonta kale ee aadamaha (humanities) waa la mid. Inta ay xaqiiqada ka ogyihiin way kooban tahay. Haddii aan xisaabta la yara sheekaysanno, waa cilmi abuuran oo iskiis u jira sida loojigga oo kale. Wuxuu ku qoran yahay uunka oo dhan, waana mid kamid ah wajiyada ay xaqiiqadu isku kaaya tusto. Xisaabtu waa luuqad ay xaqiiqadu inagu la hadlayso, balse fahankeenna iyo inta aan ka garan karno ayaa kooban. Inta aan ka fahannay ayaana horseedday wax badan oo aan ka ogaanay xaqiiqada.


Caalamka ruuxiyaadka (spiritual) isaga ka warran xaalkiisa? Cilmiga dunida yaalla kan ugu faca wayn waa ruuxiyaadka. Ha ahaado xiddigis, faal, sixir, nefisid, khilaawayn, iwm. Kumanaan sano ayaa aadanuhu ku soo caana maaleen culuumtaan. Ruuxiyaadku waa waji kamid ah wajiyada badan ee xaqiiqadu ay isku kaaya tusto. Dadkii hore ayaa aad u bartay deedna faragaliyay, oo rabbaayadaystay ruuxiyaadka. Dhan san iyo dhan xunba waa u adeegsan jireen, ilaa haddana waa loo adeegsadaa, sida sayniskuba dhan xun iyo dhan sanba loogu adeegsan karo.


Dhammaan cilmiyadaan kala duwan waxay leeyihiin meelo ay ku liitaan (limitations). Tusaale ahaan falsafaddu waxay ku liidataa in aysan lahayn sal (aasaas) wax laga bilaabo, taas beddelkeeda isla iyada ayaa sal u ah mafhuum kasta oo jira, waana sababta aan natiijo looga gaari karin. Saynisku wuxuu ku liitaa in uusan arki karin wax dhaafsiisan uunka muuqda. Xisaabtu waxay ku liidataa in ay u baahan tahay wax ka baxsan awoodda caqliyeed ee qofka, oo la ma wada akhrin karo, ama la ma wada xallin karo bilaa mashiin, waxay u baahan tahay kombiyuutarro awood badan oo tamar iyo caqli samays ah isugu geeya. Ruuxiyaadku waxay ku liitaan laguma sharxi karo luuqad caadi ah, lagu mana sababayn karo loojigga, sidoo kale qof kasta ma dhex gali karo caalamkaan ruuxiyaadka “access” uma leh, waxaa shardi ah in qofka ruuxdiisu ay la falgasho ruuxiyaadka si uu u adeegsado.


Cilmiyadaan kala duwan ee aan soo sheegnay mid kaligiis laga dhagaysan karo sida ay xaqiiqadu u egtahay majiro. Si xaqiiqada loo wada fahmo waxay u baahan tahay in ookiyaalo guud la xirto, oo la mideeyo waxa ookiyaalayaasha gaarka ah inooga muuqda. Waxaa laga yaabaa mustaqbalka in cilmiyadaan kala duwan ay isku-furmaan, oo ay isdhex galaan. Tusaale ahaan sayniska iyo ruuxiyaadka waa labo cilmi oo la isku diray oo la kala waardiyeeyo.

Culuumta ruuxiyaadka wuxuu saynisku u yaqaanaa saynis-dile (pseudoscience), balse taas beddelkeeda waxaa laga yaabaa haddii ay iskaashadaan in ay wax badan isla keeni lahaayeen. Waliba sayniska ilma’aragtayga ka warrama aad buu ugu dhow yahay in uu jabiyo darbiga u dhexeeya ruuxiyaadka iyo sayniska. Sida mekaanikada kuwantamku (quantum mechanics) ay hoggaanka u diidday una jabisay xeerarkii lagu waday sayniskii il’aragtayga ah, waxaa suurtagal ah in ay bar bilow u tahay waanwaanta sayniska iyo ruuxiyaadka.


Ugu danbayn, tusaalaha u danbeeya haddii aan saarno, innaga laf ahaanteenna aan dib isu eegno, waxaan nahay noole xaqiiqada kamid ah, oo haddana doonaya in uu kor ka soo eego xaqiiqada oo dhan. Si kale haddaan u iraahdo, waxaan la mid nahay qof doonaya in uu jirkiisa bannaanka uga baxo, deedna uu dhinacyada kala wareego; mar gadaal ka soo istaagaya oo jeegadiisa eegaya, mar kor ka soo jeedaalinaya dhakadiisa, mar dhanka bidix ka qoorataynaya, marna dhanka midig kala soo simanaya – si uu qofkaasi isla isagu isku wada arko hal mar dhinacyadiisa oo dhan.

Taasi suurtagal ma ahan, balse waxaan adeegsan karnaa farsamooyin, sida muraayado ama in aan sawirro ka qaadno dhinacyadeenna oo dhan oo aan dib u daawanno. Haddaba meesha cilladdu ka jirto waxaa weeye, sawirradaan aan daawanayno, ama waxa muraayaddaha inooga muuqda ma run baa? Ma dhab baa in ay dhinacyadeennu sidaas u eg yihiin?


Haddaba gabagabadu waxaa weeye, muraayadaha iyo sawirrada ayaan magan uga nahay sida aan u egnahay, ma naqaanno sida aan u egnahay marka laga tago waxa muraayadda iyo sawirku ay inoo sheegayaan.

Leave a Reply