Duruufaha nolosha iyo xanuunnada nafsiga ah.
Inta badan xanuunnada nafsiga ah waxaa keena duruufo nololeed oo qofka ku yara adkaada. Way jiraan waxyaabo kale oo keeni kara, sida micnaha nolosha oo aad fahmi waydo, balse taasi waa heer falsafadeed oo dadka oo dhan ma dareemaan. Waxaan qoraalkaan uga hadli doonnaa oo kaliya dadka duruufaha nololeed dartood dhimirka u noqda ama ugu yaraan u dareema xanuunno nafsi ah.
Duruufaha nololeed aan labo u kala qaadno; qayb waa sandulle oo kama baaqsan kartid, qaybna adiga ayaa samaystay. Duruufaha sandullaha ah waa kuwa la xariira nolosha asaasiga ah, sida cuntada, hoyga, iyo dharka.
Duruufaha aad adigu samaysatayna waa baahiyaha iyo rabitaannada aad la’aantood noolaan karto, sida; heer nololeed sare in aad raadiso, shaqo heer sare ah in aad raadiso, in aad guursato, ganacsi wayn in aad furato, guri qurxoon oo wayn in aad dhisato, gaari in aad iibsato, siyaasadda in aad gasho, tacliin sare in aad dhigato, magac in aad raadiso, iwm.
Labadaas duruufood ee midna aasaasiga tahay midna samayska tahay, ayaa qofku la ordayaa noloshiisa oo dhan. Midda aasaasiga ah dadka ay haysato waa loo garaabi karaa, oo waa dad isbadbaadinaya; balse duruufaha gacan ku samayska ah dadka ay haystaan, iyaga ayaa hawl dheeri ah isgaliyay. Qofku in uu duruuf gacan ku samays ah isgaliyo waxaa u sabab ah hankiisa oo ka sarreeya duruufaha aasaasiga ah.
Hanku waa aaminaad uu qofku isu arko, in uu nolosha ka istaahilo heer sare. Muddo kaddib haddii qofkii hanka sare lahaa uu gaari waayo wixii uu nolosha ka raadinayay (sabab kasta ha keentee), wuxuu dareemaa qanaaco la’aan. Qanaaco la’aantaas ayaa keenta; murugo, welwel, qulub, iskubuuq, iyo xanuunnada nafsiga ah ee kale.
Qofka markiisii hore ay haysatay duruufo aasaasi ah oo kaliya, oo aan han kale wakhtiba u heli karin, haddii ay ku adkaato duruuftiisaas nololeed ee aasaasiga ah, wuxuu sidoo kale dareemaa; murugo, welwel, qulub, iskubuuq, iyo xanuunnada nafsiga ah ee kale, waliba dayac baa u dheeraada haddii uusan helin cid caawisa.
Haddaba haddii aad dareemayso qanaaco la’aan ama xanuunno nafsi ah, iswayddii sababta aad u dareemayso. Labadaas duruufood middood ayaa kugu adkaatay, balse in aadan dareensanayn ayaa laga yaabaa. Haddii duruufta samayska ah ay tahay midda kugu adkaatay, waxaad aamintaa in aad awalba hawl dheeri ah raadinaysay, ee ay caadi tahay in aad iska dhiman karto adiga oo aan waxba noqon, waxna soo kordhin. Hankaaga ka soo qaad in uu yahay wax laga tanaasuli karo, oo awalba uu ahaa wax badso.
Aaminaadaasi waxa ay kaa dawaynaysaa qanaaco la’aanta iyo murugada kuugu kaydsan miyirka qarsoon. Taas macnaheedu ma ahan in aad isdhiibtay, balse waa in aad dawo bidday aaminaaddaas, maadaama aad huran tahay duruuftaas kugu adkaatay. Waxa meesha laga saarayo waa xanuunka nafsiga ah, sababtoo ah qof xanuunsanaya ma sii socon karo. Marka hore is dawee kadibna ku soco hankaagii.
Inta badan dadka isku buuqsan waxaa ku go’an cajilado uu hankoodu ku duubay, oo ay xaqiijin waayeen. Cajiladahaas iska soo quf, ka soo qaad in laga maarmo. Marka aad bogsato, adiga oo niyad cusub haya dib u hawlgali hankaaga.
Waxaa soo haray qofka duruufta aasaasiga ah ay ku adkaatay, oo iskubuuqay – kaas dawadiisu waa adag tahay. Iskuma dawayn karo sida kii hore. Sababtoo ah lama oran karo ka tanaasul; cunto, hoy, iyo dhar. Qofkaasi xitaa ma uu haysto wakhti uu niyaddiisa ku daweeyo. Dawadiisu waa in uu jaxartamo ilaa uu ka guulaysanayo duruuftaas aasaasiga ah. Xanuunka nafsiga ah ee haya in uu iska daweeyo, waxaa ka wayn in uu horta isbadbaadiyo, oo uu noolaado.
Ugu danbeyn, haddii qof ay ku adkaatay duruuf samays ah, uu isagu isdawayn waayo, waxa uu u tagi karaa dhakhtar cilminafsi, ama goob daryeel-nafsi laga helo. Sidoo kale mid duruuf aasaasi ah la rafanaya, haddii uu isbaxnaanin waayo waxaa caawin kara qof kale. Balse muhiimadda mawduucu waa in qofku iska daweyn karo xanuunnada nafsiga ah ee duruuf keentayga ah, isaga oo aan dhakhtar u tagin. Kaliya fekradaha ku qarsoon miyirkiisa qarsoon ayuu wax ka beddelayaa, sida aan soo sheegnay.